4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 9 , 2020
Qoor-qoor, Laftagareen iyo Waare oo Muqdisho soo gaaray
 

Arbaco, September 9, 2020 (HOL) - Waxaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho madaxweynayaasha maamul goboleedyada Hirshabeelle,  Koonfur galbeed iyo Galmudug,  waxaana garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhoweeyay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Madaxdaan ayaa waxa uu maanta kulan ugusoo gabagaboobay magaalada Baydhabo,  waxaana lagu wadaa iney kulan la qaataan madaxda maamul Goboleedyada Jubaland, Puntland iyo madaxweyne Farmaajo maalinta berri ah.

Warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan iney kulan garoonka diyaaradaha kula qaadan doonaan xubno kamid ah beesha caalamka.

Muqdisho ayaa waxaa ka dhacaya shir ay madaxda gobollada iyo Madaxweyne Farmaajo ay ka yeelanayaan nooca doorashada Dalka iyo qaabka loo wajahayo xilliga kala guurka ah.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]