4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 9 , 2020
Maraykanka oo shaaciyay aqoonsiga sarkaal Al-shabaab katirsan oo lagu dilay duqayn
 

Arbaco, September 9, 2020 (HOL) - Saraakiisha Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa shaaciyey aqoonsiga hoggaamiyaha sare ee oo katirsan Al-Shabaab oo lagu diley duqeyn 25-kii Ogosto ka geysteen Soomaaliya.

Hogaamiyaha Al-Shabaab ee la dilay oo lagu magacaabo Abdulqadir Commandos, ayaa lagu beegsaday duqeyn ka dhacday agagaarka Saakow.

Sarkalkaan ayaa xilal badan ka qabtay ururka Al-Shabaab.

“Howlgallada duqeyntan waxay muhiim u tahay hoos u dhigista awoodda ay u leeyihiin rabshadaha ka socda Soomaaliya iyo meelo ka baxsan,” ayuu yiri Gen. Stephen Townsend oo ah taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika. oo sheegay inay sii wadayaan cadaadiska Al-shabaab.

Tan iyo bishii Jannaayo, Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu qabtay 46 weerar oo cirka ah si loo yareeyo shabakadda al-Shabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]