4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 8 , 2020
Howl-gal ciidan oo ka socda duleedka Kismaayo iyo waddooyin xeran
 

Talaado, September 8, 2020 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya,  gaar ahaan qeybta Danab ee ka howl-gasha Jubaland oo kaashanaya ciidamada JSF-ta  Jubaland iyo kuwa AMISOM ayaa waxay howl-gallo ka billaabeen deegaanno hoostaga Jannaay Cabdalle oo 60KM ka baxsan magaalada Kismaayo.

War qoraal ah oo ciidamada Danab ay soo dhigeen bartooda Twitter-ka ayaa waxay ku qeexeen in waddooyinka soo gala Jannaay Cabdalle la xiray muddo kooban oo laga fulinayo howllo ciidan oo ka dhan ah Al-shabaab,  sida lagu sheegay qoraalka Danab ay baahiyeen.

Howl-galka ay ka socda deegaannadaas ayey ciidamadaan waxay sheegeen iney uga gol leeyihiin,  in guud ahaanba deegaannadaas ay ka saaraan Al-shabaab oo marar badan kula dagaallamay.

Laakiin howl-galkaan ayaa kusoo aadaya xilli shalay saldhig military oo ku yaalla deegaanka Jannaay Cabdalle uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah.

Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya,  kuwa Jubaland, waxaana ku dhaawacmay askar dhowr ah oo ay ku jireen kuwa Mareykan ah.

Al-shabaab ayaa isla shalayba mas'uuliyadda weerarkaas sheegatay.

Abdiaziz Ahmed Barrow,  Hiiraan Online
[email protected]