3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 8 , 2020
Kenya oo hoos u dhigtay wada hadalada ay kula jirtay Soomaaliya illaa doorashada soo socota kadib
 

Talaado, September 8, 2020 (HOL) - Beeraleyda iyo ganacsatada Jaadka Miraa ee dalka Kenya ayaa laga yaabaa inay sugaan waqti dheer inta laga qaadayo xanibaada Qaadka ay u dhoofin jireen Soomaaliya. Waxay arrintan ku qaadan kartaa  tan iyo xilliga doorashada kadib oo dib loo furidoono howlihii diblumaasiyadeed.

Sida laga soo xigtay madaxweyne ku xigeenka dalka Keyna William Ruto, Kenya hoos ayay u dhigtay wadahadalada ay kula jirto Soomaaliya tan iyo inta hogaamiyaasheeda ay diirada saarayaan doorashooyinka la qorsheeyay dabayaaqada sanadka 2020 iyo horaanta sanadka 2021.

Madaxweyne ku xigeenka Kenya oo la hadlay Weru TV, ayaa sheegay in Soomaaliya ay u mamnuucday Qaadka Miirowga si uu qeyb uga noqdo gorgortanka muranka badda ee labada dal.

“Waxaa jiray xoogaa isfaham la’aan ah oo kadhex jirtay Kenya iyo Soomaaliya arinta badda. Waxay joojiyeen Qaadkeenna. Waxaan ku jirnaa wadahadallo aan ku kala saarayno labada arrimood laakiin doorashada ayaa gaabis ku ah hawsha. Waxaan rajeyneynaa markey doorashadu dhammaato, waxaan awoodi doonnaa inaan soo gabagabeyno wadahadallada ku saabsan dib u soo celinta ganacsiga, ”ayuu yiri Dr Ruto.

Warbaahinta Kenya ayaa qortay in bishii la soo dhaafay, Soomaaliya ay soo saartay liiska shan dalab oo ay tahay inay Kenya fuliso ka hor inta aysan dib u bilaabin ganacsiga miirowga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/8/2020 10:30 AM EST
Talaado, September 8, 2020 (HOL) - Boqolaal qoys ayaa maanta ka barakacay xaafado ka tirsan magaalada Beledweyne kadib markii uu wabiga Shabelle karkaarada ku jabsaday.

9/8/2020 7:39 AM EST
Talaado, September 8, 2020 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan qeybta Danab ee ka howl-gasha Jubaland oo kaashanaya ciidamada JSF-ta Jubaland iyo kuwa AMISOM ayaa waxay howl-gallo ka billaabeen deegaanno hoostaga Jannaay Cabdalle oo 60KM ka baxsan magaalada Kismaayo. Talaado, September 8, 2020 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan qeybta Danab ee ka howl-gasha Jubaland oo kaashanaya ciidamada JSF-ta Jubaland iyo kuwa AMISOM ayaa waxay howl-gallo ka billaabeen deegaanno hoostaga Jannaay Cabdalle oo 60KM ka baxsan magaalada Kismaayo. Talaado, September 8, 2020 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan qeybta Danab ee ka howl-gasha Jubaland oo kaashanaya ciidamada JSF-ta Jubaland iyo kuwa AMISOM ayaa waxay howl-gallo ka billaabeen deegaanno hoostaga Jannaay Cabdalle oo 60KM ka baxsan magaalada Kismaayo. Talaado, September 8, 2020 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan qeybta Danab ee ka howl-gasha Jubaland oo kaashanaya ciidamada JSF-ta Jubaland iyo kuwa AMISOM ayaa waxay howl-gallo ka billaabeen deegaanno hoostaga Jannaay Cabdalle oo 60KM ka baxsan magaalada Kismaayo.

9/8/2020 2:40 AM EST
Talaado, September 8, 2020 (HOL) - Sida Ilo ku dhow dhow madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ay u sheegeen warbaahinta madaxweynayaasha labada maamul ayaa waxay ku wajahanyihiin magaalada Baydhaba, iyagoo kulan wada tashi ah la yeelanaya madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

9/8/2020 2:34 AM EST
Talaado, September 8, 2020 (HOL) - Kooxda Al-shabaab ayaa saacado kooban qabsatay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe, waxayna la wareegeen xarumihii dowladda, waxay sidoo kale xabsiyada kasii daayeen maxaabiis dowladda u xirnaa.

9/8/2020 1:26 AM EST
Talaado, September 8, 2020 (HOL) - Bangiga Adduunka ayaa u magacaabay Keith Hansen inuu noqdo agaasimaha cusub ee waddamada Kenya, Rwanda, Somalia iyo Uganda laga bilaabo 8-da bisha Sebtember.