3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 7 , 2020
Askari Mareykan ah oo ku dhaawacmay qaraxii Janaay Cabdalle
 

Isniin, September 7, 2020 (HOL) - Laba ka mid ah ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay tira kalana way ku dhaawacmeen kadib makii gaari waxyaabaha qarxa lagasoo buuxiyay uu ku qarxay xarun ciidamada militiriga ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo.

Weerarka oo ahaa mid ismiidaamin ah ayaa ka dhacay deegaanka Janaay Cabdalle oo 50KM ka baxsan magaalada xeebta kulaasha ee Kismaayo.

IIsmaaciil Mukhtaar Oronjo oo ah Afhayeenka xukuumadda ayaa wakaaladda wararka ee Anadolu u sheegay in qaraxa uu yahay mid ismiidaamin ah.

"Gaari lagasoo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu dhuftay aroortii hore ee saakay oo Isniin ah  xerada Ciidamada ee Janaay Cabdalle  , laba askari ayaana ku dhimatay" ayuu Oronjo u sheegay wakaaladda wararka Turkiga.

Maxamed Axmed Sabriye oo ah madaxda isgaarsiinta ee xafiiska Madaxweynaha Jubaland ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxaas uu ku dhaawacmay askari Mareykan ah.

Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda weerarkaas ka dhacay duleedka Kismaayo.

Abdiaziz Ahmed Barrow,  Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/7/2020 2:21 PM EST
Isniin, September 7, 2020 (HOL) - Amaana Bank oo uu fadhigiisa yahay magaalada Muqdisho ayaa qandaraas la saxiixday shirkad laga leeyahay dalka Lubnaan oo ka shaqaysa howlaha horumarinta softaweerada ee ay ku shaqeeyaan qaar ka mid ah bangiyada caalamka.

9/7/2020 11:09 AM EST
Isniin, September 7, 2020 (HOL) - Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa war kasoo saaray weerarkii saakay ka dhacay xero ciidan oo ku taalla deegaanka Jannaay Cabdalle oo qiyaastii 60KM ka baxsan magaalada Kismaayo.

9/7/2020 10:39 AM EST
Isniin, September 7, 2020 (HOL) - Waxaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho shir mid kamid ah beelaha Soomaaliyeed wax-garadkiisa ay isugu yimaadeen, waxaana diiradda lagu saaray xaaladda kala guurka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan waxaa si gooni ah loosoo hadal qaaday doorashada dhowaan ka dhici doonta maamulka Hirshabeelle.

9/7/2020 9:44 AM EST
Isniin, September 7, 2020 (HOL) - Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa hadlay sababta ka dambeysay in arday badan oo reer Muqdisho ay ku dhacaan imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2019/2020.

9/7/2020 9:33 AM EST
Isniin, September 7, 2020 (HOL) - Magaalada Adhi-cadeeye oo 30Km. Waqooyi kaga quman magaalada Laascaanood xarunta gobolka Sool ayaa shir nabadeed uga furmay, kaas oo qabanqaabadiisu mudooyinkii u danbeeyey ka soconayey gobolka.

9/7/2020 3:31 AM EST
Isniin, September 7, 2020 (HOL) - Kenya, Zimbabwe, Uganda, Somalia iyo Nigeria ayaa lagu tilmaamay inay safka hore kaga jiraan kiisaska musuqmaasuq ee bililiqaysiga lacagaha Covid-19 ee caalamka ugu deeqay.

9/7/2020 12:43 AM EST
Isniin, September 7, 2020 (HOL) - Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in Xukunaddii dhawaan dhacay ee Musuq-maasuqa ay kor ay u qaadeen sumacada dalka.

9/7/2020 12:40 AM EST
Isniin, September 7, 2020 (HOL) - Puntland ayaa qaati ka taagan Maandooriyaha Qamriga, oo si xowli ah ugusoo badanaya degaanadeeda arrintaas oo loo sababeynayo Qaadka ka yimaada dalka Ethiopia oo qamriga lagusoo dhex qariyo.