4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 7 , 2020
Xeer ilaaliyaha Soomaaliya oo sheegay sanadkan inay sameeyeen dagaalkii ugu weynaa ee musuq maasuqa
 

Isniin, September 7, 2020 (HOL) - Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud, ayaa sheegay in Xukunaddii dhawaan dhacay ee Musuq-maasuqa ay kor ay u qaadeen sumacada dalka.

Xeer ilaaliyaha oo ka hadlayay kulan uu la qaatay bahda cadaalada ayaa sheegay in hay'addaha cadaalada iyo garsoorku yihiin kuwa la rabo inay ku dadaalan Cadaaladda, si loo dabar gooyo musuq maasuqa aafeeyay Soomaaliya.

Dr. Sulaymaan Maxamed ayaa tilmaamay inaysan sax ahayn in Soomaaliya Sannad kasta ay kaalinta koobaad uga jirto waddamada ugu musuqa badan aduunka, wuxuu sheegay in sannadkan  ay sameeyeen bahda Cadaalada la dagaalankii ugu xoogana ee dhinaca Musaqa.

“ Sax ma ahan maalin kasta in aan liiska hore ku jirno muqus-maasuq darteed, waa inaan hufnaan la nimaanaa cidda la rabo inay ka shaqaysana waa bahda Cadaaladda”, ayuu yidhi xeer ilaaliyuhu.

Dhowaan, maxkamada gobolka Banaadir ayaa xabsiyo dhaadheer ku xukuntay masuuliyiin katirsan hay’addaha dowladda oo lagu helay inay musuq maasuq iyo ku tagrifal ku sameeyeen hantida dadweynaha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]