4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 7 , 2020
Puntland oo qaati ka taagan Qamriga oo sidii sharaabka usoo gala degaanadeeda
 

Isniin, September 7, 2020 (HOL) - Puntland ayaa qaati ka taagan Maandooriyaha Qamriga, oo si xowli ah ugusoo badanaya degaanadeeda arrintaas oo loo sababeynayo Qaadka ka yimaada dalka Ethiopia oo qamriga lagusoo dhex qariyo.

Taliyaha ciidanka booliiska gobolka Nugaal gaashaanle sare, Maxamed Aadan Jaamac, ayaa sheegay mudadii Qaadka Hareeriga uu kasoo bilowday dhinaca Ethiopia islamarkaana uu istaagay Qaadka Miiroowga ee Kenya ka imaan jiray, in ay fududaatay in Qamriga si fudud kusoo galo Puntland.

Taliyaha booliisku wuxuu sheegay cidda soo galisa qamriga inay yihiin Qaad walayaasha oo gaadiidkooda kusoo qariya maadaama aan lagu samaynin wax baaritaan ah, laakiin hadda wuxuu uga digay in tallaabo laga qaadayo.

Saameynta Qamriga ayaa  keentay inay kordhaan dhibaatada ay geysanayaan dadka caba, waxaana Garowe oo caasimadda Puntland ah ka dhacay dilal iyo rabshado kale oo ay geysteen dad isticaamalayay qamriga.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]