4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 30, 2020
Maamulka Hirshabeelle oo madaxda beesha caalamka ku matala Soomaaliya ka codsaday in doorashada laga taageero
 

Arbaco, September 30, 2020 (HOL) - Madaxda maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa wada dadaallo ay ku doonayaan iney beesha caalamka ay taageero weyn uga helaan xilli dhowaan maamulkaas uu galayo doorashada madaxda sare iyo soo xulista xubnaha Baarlamanka labaad.

Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa waxa uu maanta kulamo la qaatay madaxda xafiiska midowga Yurub ee Soomaaliya, waxa uuna kala hadlay xaaladaha siyaasadeed iyo tan bani aaddanimo ee ka jirta Hirshabeelle.

Caadle ayaa madaxdii uu la kulmay wuxuu kala hadlay qorshaha Hirshabeelle ka socda ee wasaaradda uu maamulo ay gacanta ku haayso oo ah ee ah sameynta Golaha deegaanka oo lagu wado in laga hir-geliyo degmooyin badan iyo maareynta masiibooyinka dabiiciga ah , sida Ayaxa iyo fatahaadaha.

Mr. Dorian kivumbi oo ah madaxa ugu sarreeyo xafiiska midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxa uu si weyn usoo dhoweeyay qorshaha wasiirka, waxa uuna ballan qaaday iney diyaar u yihiin in Hirshabeelle laga taageero dhinaca amniga iyo doorashooyinka, waxa uu sidoo kale bogaadiyay qorshaha lagu dhisayo gole deegaan oo loo sameeyo degmooyinka.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]