4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 29, 2020
Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle & safiirka ingiriiska ee Soomaaliya oo ka wada hadlay doorashada Hirshabeelle
 

Talaado, September 29, 2020 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa waxa uu la kulmay danjiraha dowladda Ingriiska u fadhiya magaalada Muqdisho Amb. Ben Fender waxayna ka wada hadleen xaaladda siyaasadda maamulkaas, oo dhowaan galaya doorasho.

Labadan mas’uul ayaa isla soo qaaday hannaanka diyaar garowga doorashada iyo in Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ay ka go’antahay doorasho si buuxda maamulkaas uga dhacda oo daah-furan.

Dhinaca safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender ayaa sheegay inuu aad usoo dhoweynayo doorasho ka dhacda Hirshabeelle, maamulkana ay arrintaas garab ku siin doonaan.

Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in dhowaan lagu qabto soo xulustii Baarlamankii labaad ee maamulkaas, waxaana kadib la dooran doonaa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Hase-ahaatee doorashada Hirshabeelle ee lagu wado iney dhowaan dhacdo ayaa kusoo aadeysa, xilli guud ahaan Soomaaliya loo diyaar garoobayo doorashadii dalka.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]