4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 29, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo kulan kale iskugu yeeray dowlad goboleedyada
 

Talaado, September 29, 2020 (HOL) - Madaxweyne Farmaajo ayaa  kulan kale isugu yeeray madaxda dowladaha xubnaha ka ah federaalka ee ku sugan magaalada Muqdisho si ay uga wada hadlaan qaababka loo dhaqan gelin karo heshiiskii doorashada.

Kulankan waxaa sidoo kale uu ku saabsan yahay sameynta guddiga isku dhafka ee hirgalinta doorashooyinka dadban ee heer federal iyo heer dowlad goboleed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kala tashanaya madaxweynayaasha dowlad goboleedyada magacaabida guddiga doorashooyinka iyo xubnaha uga qeyb galaya guddigaas dowlad goboleedyada.

Wada hadalkaan waxaa sidoo kale qeyb ka ah shaacinta jadwalka doorashada dhacayso.

Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka qeyb qaadanaya kulankaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]