4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 28, 2020
Dagaallo AMISOM iyo Al-shabaab ku dhex-maray deegaanno ka tirsan Shabeellaha hoose
 

Isniin, September 28, 2020 (HOL) - Dagaaladda ayaa ka dhacay degmada Buula-mareer iyo deegaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada hoose,  waxa uuna u dhexeeyay ciidamada AMISOM iyo Al-shabaab.

Ilo madax bannaan ayaa warbaahinta Muqdisho u sheegay in dagaallada ay bilowdeen,  kadib markii dagaallamayaal Shabaab ka tirsan ay weerareen baro ciidan oo ay AMISOM deganaayeen.

Lama oga si rasmi ah,  khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray,  laakiin warar laga helayo ilo madax bannaan ayaa sheegaya inuu jiro khasaaro labada dhinac soo kala gaaray.

Dadka deegaannada lagu dagaallamay ayaa lagasoo xigtay in Al-shabaab ay hoobiyayaal ku garaaceen saldhigyada ciidamada AMISOM ee la weeraray.

Dhinaca kale wararka laga helayo deegaannada uu dagaalku ka dhacay ayaa sheegaya in AMISOM ay howl-gal ka sameeynayaan duleedka Jannaale iyo Buula mareer ee Gobolka Shabeellada hoose.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]