4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 28, 2020
Cumar Filish oo la kulmay safiirka midowga yurub Muqdisho u jooga
 

Isniin, September 28, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa caasimadda Muqdisho Cumar Maxamuud Filish ayaa waxa uu kulan la yeeshay safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya Danjire Nicolas Berlanga, waxayna labada mas'uul ka wada hadaleen kaalinta horumarinta caasimadda ay ku leeyihiin beesha reer yurub.

Kulanka ayaa waxaa si gaar ah loogu faaqiday arrimaha mashaariicda midowga yurub ay maal-geliyaan ee ka socda Muqdisho iyo sidii loo bedali lahaa nolosha dadka barakacaasha ah.

Labada mas'uul ayaa si gooniya isu dul taagay,  sidii nolosha dadkaas kor loogusoo qaadi lahaa,  maadaama Gobolka Banaadir ay ku suganyihiin barakacayaasha ugu badan ee dalka.

Midowga yurub ayaa si weyn Soomaaliya uga taageera dhinaca mashaariicda la xariira hor'umarka,  xilli dalka uu kasoo kabanayo colaado sokeeye oo muddo dheer soo jiray.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]