4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 27, 2020
Maraykanka oo ku dhawaaqay inuu Soomaaliya ka cafinayo hal bilyan oo dayn ah
 

Axad, September 27, 2020 (HOL) - Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Yamamoto iyo Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Beileh ayaa kala saxiixday heshiis labo geesood ah oo ku saabsan yareynta deynta ay Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin seddex hay’adood oo ka tirsan dowladda Mareykanka.

Raysal wasaaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goob joog ka ahaa goobta heshiiskaan lagu kala saxiixanayay.

Heshiiskan ayaa yimid xilli Soomaaliya ay sameysay dib-u-habeyn dhaqaale oo muhiim ah sanadihii la soo dhaafay iyadoo bishii Maarso ee sanadkan 2020 ay gaartay heerkii ugu horreeyay ee deyn cafinta.

Dowladda Maraykanka waxay shaacisay inay Soomaaaliya ka cafin doonto in ka badan 1 bilyan oo deyn ah.

Nidaamka deyn cafinta ayaa u oggolaan doona Soomaaliya inay dib u soo ceshato helitaanka taageerada maaliyadeed ee hay'adaha ee caalamiga ah si ay u maal gashadaan dalka loona yareenta saboolnimada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]