4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 27, 2020
Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka oo Muqdisho ku kulmay
 

Axad, September 27, 2020 (HOL) - Kulan ujeedkiisu ahaa sidii loo dar-dar gelin lahaa howlaha shaqo ee horyaalla Baarlamanka Golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa waxaa magaalada Muqdisho ku yeeshay Guddiga joogtada ah ee Aqalka hoose ee Baarlamanka.

Waxaa shir guddoominayay Kulankaas Guddoomiyaha Baarlamanka aqalka hoose Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan iyo ku-xigeenkiisa koowaad Cabdiweli Shiikh Ibraahim Muuddey .

Fadhigan oo ahaa kal-fadhigii seddexaad , kulankiisii 8-aad ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii loo dadajin lahaa howlaha horyaalla Baarlamanka iyo sidii loo tayeeyn lahaa shaqooyinka u haray.

Waxyaabaha sida gaarka ah diiradda loogu saaray ayaa waxay tahay in kor loo qaado tayada wax-barashada dalka Soomaaliya .

Baarlamanka ayaa waxa uu ku jiraa shaqooyinkii ugu dembeeyay ee muddo xileedkiisa, waxaana horyaalla shaqooyin dhowr ah, oo madaxda Golaha shacabku ay doonayaan in wakhtiga haray lagu boobsiiyo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]