4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 27, 2020
Ra’iisul wasaare Rooble “ Waxaan wax ka qabanayaa tacaddiga dumarka iyo carruurta loo geysto”
 

Axad, September 27, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta la wareegay xafiiska , kadib dhowr maalin ka hor markii uu helay codka kalsoonida ee Golaha Shacabka ayaa waxa uu sheegay inuu wax badan ka qaban doono tacaddiyada loo geysto dumarka iyo carruurta.

Waxa uu intaa ku daray inuu soo magacaabi doono Khabiir dhinaca sharciga ah oo arrimahaasi , si gaar ah uga shaqeeya .

“Insha allah waxaan soo dhisi doonaa khabiir sharci oo kala shaqeeya hay’adaha cadaaladda iyo garsoorka , tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta” ayuu ra’iisul wasaare Rooble sheegay.

Dhinaca kale waxa uu munaasabadda xil wareejinta ah ee loo sameeyay uu ka sheegay inuu soo dhisayo Gole xukuumadeed oo taya sare leh.

Soomaaliya waxa sanadihii ugu dembeeyay aad u kordhayay tacaddiyada ka dhanka ah dumarka iyo carruurta ee kufsiga uu ugu horreeyo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]