4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 27, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo qirtay inuu ka gaabiyay wada hadalada Somaliland
 

Axad, September 27, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay qirtay in ay dowladdiisa ka gaabisay wadahadalka lagu jiro Somaliland kadib markii ay baaqdeen kulamadii lagu ballansanaa dalka Jabuuti.

Tan iyo intii uu madaxweyne Farmaajo xilka hayay, dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa halmar sanadkaan bartamihiisa ku kulmay dalka Jabuuti.

“Waxaan qiranayaa in aan ka gaabinay wadahadalada Somaliland,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo hadalkaan ka yiri kulan su’aalo lagu weydiinayay oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku sababeeyay arrintaan, in dowladdiisu ay gashay marxalad doorasho iyo buuq siyaasadeed oo ku kalifay inay hoos u dhigto wada xaajoodka Somaliland inta laga baxayo geeddi socodka doorashada.  

“Way iga go’an tahay inaan daacad ka ahaado wadahadalka Somaliland, ma ahan wax doorasho lagu gali karo. Waa masiir Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo sheegay in wada hadaladu ay sii socondoonaan.

Wada xaajoodka dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa soo bilowday muddo hadda laga joogo dhowr sano, laakiin dowlad kasta waxay ka tagtaa iyadoo aan meel fiican ka gaarin.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]