4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 23, 2020
Raysal wasaaraha Cusub ee Soomaaliya oo helay codka kalsoonida
 

Arbaco, September 23, 2020 (HOL) - Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa helay codka kalsoonida ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa u codeysay 215 xildhibaan oo ah dhammaan mudanayaasha fadhiga baarlamaanka maanta ku sugan.

Ma jirin cid ka aamustay ama diiday raysal wasaaraha.

Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cabdiraxmaan Mursal ayaa ku dhawaaqay in raysal wasaaruhu helay codka kalsoonida.

Ra'iisul wasaare Rooble ayaa lagu dhaariyay aqalka baarlamaanka Soomaaliya ka dib markii la siiyay codka kalsoonida.   

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]