4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 23, 2020
Sahanka COVID-19 ee Bulshada


Arbaco, September 23, 2020 (HOL) - Waaxda Caafimaadka ee Minnesota ayaa tagi donna guri kasta ee ku yaal gobolka si ay u hesho dad si lacag la’aan ah uga qayb qaata baritaan lagu samaynayo cudurka covid-19 iyo unnugyada jirka difaaca si qiimeeyn dhab ah loogu sameeyo faafidda cudurkan safmareenka ah.

Halka Minnesota ilaa Talaadadii ay soo warisay in 1,979 qofood u dhinteen COVID-19 iyo 91,422 kalena uu ku dhacay fayraska keenna cudurkan cusub – intaas waxaa sii dheer kumanaanka dad ee uu ku dhacay xanuuno fudud ama kuwo aan la dareemi karin weligoodna aan baaris raadsan.

Saraakiisha caafimaadka ee gobolka ayaa sheegay in loo baahan yahay qiimayn sax ah si loo sheego sida ay reer Minnesota uga jawaabeen xakamaynta cudurkaan safmareenka ah iyo sida ay u ogaadeen baraha uu ku badan yahay. Daraasadaha ka-hortagga ayaa sidoo kale tilmaamaya haddii dadka awooddooda difaaca-jirka ay kororto yareen doonta faafitaanka fayraska.

Fadlan la xiriir [email protected] haddii aad wax su'aalo ah qabto.

Booqo https://health.state.mn.us si aad u hesho macluumaad dheeri ah.