4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 22, 2020
Ciidamada Kenya oo sheegay iney dileen shan kamid ah dagaallamayaasha Al-shabaab
 

Talaado, September 22, 2020 (HOL) - Ciidamada difaaca Kenya ayaa waxay sheegeen in Isniintii shalay ay dileen shan kamid ah dagaallamayaasha Al-shabaab, kadib markii uu dagaal dhex maray kulanyo ka tirsan ciidamada Kenya iyo dagaallamayaal ka tirsan Ururkaas.

Iska hor-imaadka ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Lafey oo ku dhow xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Hadalka Ciidamada Kenya ayaa waxay dadka falanqeeya ammaanka durbaba dul dhigeen calaamatu su’aal, maadaama aysan sheegin dhankooda khasaare soo gaaray.

Hase –ahaatee ilo madax bannaan ayaa sheegay in Kenya isku dhacaas  ku waaysay hal askari, laba kalana ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada KDF-ta Kenya ayaa waxa uu dagaalka ku qabsaday sida wararka lagu helayo waddada lagu magacaabo Alungu-Elwak, subixii hore ee shalay, iyagoo kusii jeeday garoonka diyaaradaha Ismaamulka Mandheera.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]