4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 22, 2020
Mahad Cawad "Xildhibaanno badan ayaa walaac ka qaba madaxda maamul goboleedyada"
 

Talaado, September 22, 2020 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Golaha Shacabka Mahad Cabdulle Cawad ayaa sheegay in xildhibaannada ay walaac xooggan ka qabaan qaar kamid ah hogaanka maamul Goboleedyada lagasoo doorto, maadaama uusan kala dhexeyn is-fahan wanaagsan.

Mudanayaasha qaar ayaa waxa uu sheegay in walaaca ay qabaan dartii ay keentay iney kuraastoodii u bedeleen, goob aan horay loogasoo dooran.

“Aniga hadda kursigeygii wuxuu transept ku yahay Galmudug” ayuu Cawad ka yiri munaasabad uu hadal ka jeedinayay,

Sidoo kale madasha oo aheyd goob lagusoo dhoweynayay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu ka sheegay in loo baahanyahay in hoggaamiyayaasha Dowlad Goboleedyada aysan la imaan caburin, u dhiganta mid ay kaga aar gudanayaan doorashada xildhibaannada ay kala aragtida yihiin.

Cawad oo sii kaftamayay ayaa ku yiri madaxweynaha Puntland, “ Waxaa loo baahanyahay iney idinka nabad-galaan xildhibaannada deegaannadiina lagasoo dooranayo , haddii kale ma meel marineyno heshiiska dhowaan Muqdisho lagu gaaray”.

Hadalka Guddoomiye Mahad Cabdalle Cawad ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli xildhibaannada qaar ay bedesheen  deegaankii kuraastooda lagusoo dooran lahaa.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]