4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Sept 20, 2020
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo barlamaanka ka codsaday inay codka kalsoonida siiyaan
 

Axad, September 20, 2020 (HOL) - Raysal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo markii ugu horeysay kasoo muuqday warbaahinta dowladda tan iyo markii la magacaabay, ayaa barlamaanka Soomaaliya ka codsaday in ay siiyaan codka kalsoonida.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay inuu rajeynayo inuu barlamaaanka ka helayo codka kalsoonida, iyadoo la filayo in dhawaan la horgeeyo barlamaanla Soomaaliya, si ay u meel mariyaan una guto waajibaadkiisa.

"waxaan doonayaa in aan codka kalsoonida waydiisto Golaha Shacabka, aniga oo rajaynaya in ay isiin doonaan codka kalsoonida, si aan u guto waajibaadkayga" ayuu yidhi Raysal wasaare Rooble.

Raysal wasaare Rooble ayaa sheegay inuu si masuuliyadeed leh u aqbalay kalsoonida iyo magaabidda uu ka helay madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

"Waxaa farxad ii ah in aan idinla wadaago, in aan si sharaf iyo dareen masuuliyadeed leh aan u aqbalay kalsoonida uu isiiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iiguna magacaabay Xilka Ra’iisul Wasaaranimo ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya" ayuu markale yidhi Raysal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

Wuxuu Raysal wasaaruhu xalay la kulmay gudoonka barlamaanka Soomaaliya, isagoo soo dhowayn ka helay.

Wasiirka koowaad ee xukuumada oo haysta muddo kooban, waxaa horyaala ugu horayn inuu si degdeg ah kusoo magacaabo xukuumad fulisa heshiiska doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]