3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 2 , 2020
Xasan Shiikh iyo Donald Yamamoto oo Muqdisho ku kulmay
 

Arbaco, September 2, 2020 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka dalka Mareykanka u fadhiya Muqdisho Donlad Yamamoto, waxayna ka wada hadleen arrimaha doorashada iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka,  sida Ilo ku dhow Madaxweynahii hore ay HOL u xaqiijiyeen.

Waxyaabaha sida gaarka ah la iskula soo qaaday ayaa waxaa kamid ah arrinaha doorashooyinka sidii hab nabadeed oo is oggol ku dhisan ay ugu dhici lahaayeen.

Kulankaan oo aan warbaahinta loo oggolaan ayaa waxa uu qeyb ka yahay galaan-gal dowladda Mareykanka ee ku aaddan sidii Soomaaliya ay uga dhici lahaayeen doorashooyin, si dalka looga hir-geliyo xoojinta dimuquraadiyada.

Yamamoto ayaa shalay la kulmay madaxweynayaasha Puntalnd iyo Jubaland waxa uuna kala hadlay arrimo quseeya doorashooyinka dalka.

Abdiaziz Ahmed Barrow,  Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/8/2020 9:25 AM EST
Ma u baahan tahay Taageer si loo Takooro ama karantiil?

9/2/2020 2:20 PM EST
Arbaco, September 2, 2020 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang'I ayaa magacaabay sagaal ruux uu sheegay iney leeyihiin mas'uuliyadda maal-gelinta Ururka Al-shabaab oo dhowr jeer weeraray qeybo kamid dalkaas.

9/2/2020 12:34 PM EST
Arbaco, September 2, 2020 (HOL) - Wafdi ballaaran uu hoggaaminayo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye 'Qoor qoor" ayaa waxay gaareen magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana halkaas kusoo dhoweeyay mas'uuliyiin uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha waddankaas.

9/2/2020 10:46 AM EST
Arbaco, September 2, 2020 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo madaxweynahii hore ee Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxay magaalada Muqdisho kula kulmeen Madaxweynaha Puntalnd Saciid Cabdullaahi Deni.

9/2/2020 8:03 AM EST
Arbaco, September 2, 2020 (HOL) - Wada hadalada arrimaha doorashooyinka ee udhexeeya dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, ayaa caawo si rasmi ah uga furmaya Muqdisho, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed.

9/2/2020 8:02 AM EST
Arbaco, September 2, 2020 (HOL) - Puntland ayaa albaabada isugu laabtay dugsiyo sare oo kuyaala waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland, kadib markii lagu eedeeyay in ay dugsiyayaal fowdo ah oo kasoo horjeeda nidaamka waxbarashada Puntland.

9/2/2020 2:36 AM EST
Arbaco, September 2, 2020 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay kulan heer sare ah u qabandoonto Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda federalka Soomaaliya, kulankaas oo loogu tala galay sanadguuradii 75aad ee 21 Sebtember oo ku astaysan maalinta nabada adduunka.

9/2/2020 2:24 AM EST
Arbaco, September 2, 2020 (HOL) - Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa Amisom oo Magaalada Afmadow ka baxay saaka ayaa gaaray Deegaanka Janaa-Cabdala oo ah halka kala barta magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.