4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 2 , 2020
Madaxtooyada Soomaaliya oo sheegtay inuu caawo furmayo shirka wada hadalada arrimaha doorashooyinka
 

Arbaco, September 2, 2020 (HOL) - Wada hadalada arrimaha doorashooyinka ee udhexeeya dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, ayaa caawo si rasmi ah uga furmaya Muqdisho, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulamo hordhac ah iyo soo dhowayn ah la qaatay madaxwyenayaasha dowlad goboleedyada ku sugan magaalada Muqsisho.

Lama oga goobta uu shirku ka dhicidoono, hase yeeshee wararku waxay sheegayaan in beesha caalamku kaalin muhiim ah ku leedahay qabsoomida kulankaan, ayna goob joogayaal ka yihiin.

Dhinaca kale, Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo shalay Muqdisho lagusoo dhoweeyay ayaa maanta kulamo gaar ah la qaadanaya xildhibaanada umatala labada aqal ee barlamaanka iyo madaxweynayaashii hore.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]