4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 2 , 2020
Puntland oo albaabada iskugu laabtay dugsiyo sare oo kuyaala magaalada Gaalkacyo
 

Arbaco, September 2, 2020 (HOL) - Puntland ayaa albaabada isugu laabtay dugsiyo sare oo kuyaala waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland, kadib markii lagu eedeeyay in ay dugsiyayaal fowdo ah oo kasoo horjeeda nidaamka waxbarashada Puntland.

Warar ayaa sheegaya sababta loo xiray dugsiyadan inay salka ku hayso kadib markii dugsiyadaan ay qaateen nidaamka waxbarasho ee dowladda federalka Soomaaliya, iyagoo joojiyay manhajkii waxbarashada Puntalnd.

Masuuliyiin katirsan Puntland oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in la xiray maamulayaal iyo macalimiin katirsan dugsiyadaas, kuwaas oo loo xabisay kadib markii ay ka dhega adaygeen inay raacaan siyaasada waxbarashada Puntland.

Khilaafka dhinaca waxbarashada ee u dhexeeya Puntland iyo dowladda federalka, ayaa sabab u noqday in arday badan oo reer Puntland ay ku biireen dugsiyada waxbarasho ee kuyaala dhinaca Galmudug, iyagoo ka cararaya in shahaadadooda muran gasho.

Arrintaan ayaa kusoo aadaysa xilli ay dowladda federalka Soomaaliya soo saartay manhaj dugsi sare oo ay doonaysay in sanad dugsiyeedka la billaabanaya lagu dhigo dugsiyada sare ee kuyaala guud ahaan Soomaaliya.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]