4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 2 , 2020
Qaramada Midoobay oo kulan heer sare ah u qabanaysa madaxda dowlad federalka iyo dowlad goboleedyada
 

Arbaco, September 2, 2020 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay kulan heer sare ah u qabandoonto Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda federalka Soomaaliya, kulankaas oo loogu tala galay sanadguuradii 75aad ee 21 Sebtember oo ku astaysan maalinta nabada adduunka.

Kulankaan ayaa hoggaamiyeyaasha adduunku oo qeyb ka yihiin hoggaamiyayasha Soomaaliyeed, waxay aqbali doonaan bayaan siyaasadeed oo ku saabsan Mustaqbalka waxa la doonayo in la qabto.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay inay u baahan nahay dib u xaqiijinta ballanqaadkeed wadajirka ah ee dhinacyada badan.

Wada hadalkani ay ku baaqday Qaramada Midoobay, ayaa kusoo aadaya xilli ay dowladda federalka ku baaqday in dib u eegis lagu sameeyo waxqabadka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Kadib markii ay ku eedeeyeen inay yar yahay taageeradiisa siyaasadeed iyo horumineed ee dowlad dhisida Soomaaliya.

Dowladda Federaalka iyo xafiiska UN-ka ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay isla qeexaan mudnaanta howlaha shanta sano ee soo socota iyadoo qayb ka ah Qaab-dhismeedka Iskaashiga 2021-2025.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]