3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 2 , 2020
Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Amisom oo la wareegay degaanka Janaa-Cabdala


Arbaco, September 2, 2020 (HOL) - Ciidamada dowlad goboleedka Jubbaland iyo kuwa Amisom oo Magaalada Afmadow ka baxay saaka ayaa gaaray Deegaanka Janaa-Cabdala oo ah halka kala barta magaalooyinka Kismaayo iyo Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Degaankaan Janaa- Cabdala ayaa waxaa horey u maamuli jiray kooxda Al-shabaab oo u adeegsan jirtay bar koontarool oo ay canshuurta kaga qaado dadka iyo gaadiidka.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ciidamada horey ugu booriyay inay tagaan degaankaan xilli u shalay tababar usoo xirayay cutubyo katirsan ciidanka Jubbaland oo loo diyaariyay howgallada xoraynta degaanada Shabaab ku maamulaan.

Axmed Madoobe wuxuu ballanqaaday inuu ciidamadan ugu tegidoono jiidaha dagaalka uuna kala qeybgalidoono dagaalka hadday daruuri noqoto waa sida uu yidhi.

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda federalka ayaa ukala hardamaya sidii uu mid walba gacanta ugu dhigi lahaa dhulka Al-shabaab ku sugan yahay, gaar ahaan degmada Bu’aale oo ah  bartilmaameedka ugu weyn ee isha lgu hayo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/8/2020 9:25 AM EST
Ma u baahan tahay Taageer si loo Takooro ama karantiil?

9/2/2020 2:20 PM EST
Arbaco, September 2, 2020 (HOL) - Wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiang'I ayaa magacaabay sagaal ruux uu sheegay iney leeyihiin mas'uuliyadda maal-gelinta Ururka Al-shabaab oo dhowr jeer weeraray qeybo kamid dalkaas.

9/2/2020 12:45 PM EST
Arbaco, September 2, 2020 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa waxa uu magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka dalka Mareykanka u fadhiya Muqdisho donlad Yamamoto, waxayna ka wada hadleen arrimaha doorashada iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka, sida Ilo ku dhow Madaxweynahii hore ay HOL u xaqiijiyeen.

9/2/2020 12:34 PM EST
Arbaco, September 2, 2020 (HOL) - Wafdi ballaaran uu hoggaaminayo madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye 'Qoor qoor" ayaa waxay gaareen magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana halkaas kusoo dhoweeyay mas'uuliyiin uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha waddankaas.

9/2/2020 10:46 AM EST
Arbaco, September 2, 2020 (HOL) - Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo madaxweynahii hore ee Koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa waxay magaalada Muqdisho kula kulmeen Madaxweynaha Puntalnd Saciid Cabdullaahi Deni.

9/2/2020 8:03 AM EST
Arbaco, September 2, 2020 (HOL) - Wada hadalada arrimaha doorashooyinka ee udhexeeya dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, ayaa caawo si rasmi ah uga furmaya Muqdisho, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed.

9/2/2020 8:02 AM EST
Arbaco, September 2, 2020 (HOL) - Puntland ayaa albaabada isugu laabtay dugsiyo sare oo kuyaala waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Puntland, kadib markii lagu eedeeyay in ay dugsiyayaal fowdo ah oo kasoo horjeeda nidaamka waxbarashada Puntland.

9/2/2020 2:36 AM EST
Arbaco, September 2, 2020 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay kulan heer sare ah u qabandoonto Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda federalka Soomaaliya, kulankaas oo loogu tala galay sanadguuradii 75aad ee 21 Sebtember oo ku astaysan maalinta nabada adduunka.