3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 18, 2020
Xisbiyada mucaaradka Soomaaliya oo soo dhoweeyay hannaanka doorashada ee lagu heshiiyay
 

Jimco, September 18, 2020 (HOL) - Madasha xisbsiyada siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay natiijadii kasoo baxday wada hadalkii dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada, kaasoo ugu dambayn heshiis looga gaaray hannaanka doorashada soo socota.

War murtiyeed kasoo baxay ayaa lagu baaqay in si degdeg ah lagu magacaabo guddiyada doorashada heerarka kala duwan islamarkaana horey loo billaabo fulinta qodobada lagu heshiiyay, si looga baaqsado dib udhac loogana faa'idaysto waqtiga yar ee la hayso.

Madashu waxay sheegtay in heshiiskaan uu ka badbaadinayo dalka muddo kororsi iyo kalatag

Halkaan hoose ka akhriso.






Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
9/18/2020 2:54 PM EST
Jimco, September 18, 2020 (HOL) - Inta la xaqiijiyay hal qof oo haween ah ayaa ku dhimatay saddax kalana way ku dhaawacmeen weerar Bam gacmeed ah oo lagu qaaday Maqaaxi ku taala xaafada Howlwadaag gaar ahaan laanta suuqa Xoolaha ee magaalada Beledweyne.

9/18/2020 7:11 AM EST
Jimco, September 18, 2020 (HOL) - Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Qulaale oo ku yaalla xuduudda ay wadaagaan Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, waxa uuna u dhexeeya maleeshiyo beeleed walaalo ah oo halkaas ku wada nool.

9/18/2020 7:01 AM EST
Jimco, September 18, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in ciidamada amaanka Galmudug ay gacanta kusoo dhigeen 8 carruur ah oo la sheegay in lagasoo qafaashay magaalada Qardho ee Puntland, islamarkaana sanadahii ugu dembeeyay lagu hayay magaaladaas.

9/18/2020 6:43 AM EST
Jimco, September 18, 2020 (HOL) - Mas’uuliyiin iyo siyaasiyiin uu kamid yahay ra’iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo dhoweeyay magacaabistii xalay ee wasiirka koowaad ee dowladda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, waxayna dhammaan Alle uga baryeen inuu xilka u fududeeyo.