4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 18, 2020
Maamulka degmada Cadaado oo sheegay in carruur lagasoo qafaashay Qardho ay ku wareejiyeen Aabbihii dhalay
 

Jimco, September 18, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in ciidamada amaanka Galmudug ay gacanta kusoo dhigeen 8 carruur ah oo la sheegay in lagasoo qafaashay magaalada Qardho ee Puntland, islamarkaana sanadahii ugu dembeeyay lagu hayay magaaladaas.

Maamulka degmada Cadaado oo la hadlay warbaahinta ayaa waxay sheegeen in carruurtaas ay haaysteen Jamaacad ay ku sheegeen “Takfiir” oo halkaas ku sugneyd, waxayna intaa ku dareen in carruurta ay la soo dhuumatay hooyadii dhashay, oo kooxdaas ku biirtay, hadana ay ku wareejiyeen ilmaha Aabbahood.

Madaxda maamulka Cadaado ayaa waxay qeexeen in xogta lagusoo wargeliyay , kadibna baaritaan dheer kadib ay xaqiijiyeen halka ay ku suganyihiin ilmahaas, sidaasna loo howl-galiyay ciidamada.

Marka lagasoo tego in carruurta lagu wareejiyay Aabbaha dhalay, haddana tafaasiil dheeraad ah kama bixin kooxihii ilmaha haaystay iyo hooyadii dhashay halka ay ku dembeeyeen.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]