4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 14, 2020
Wararkii ugu Dambeyay Sarkaal Xalay lagu dilay magaalada Beledweyne
 

Isniin, September 14, 2020 (HOL) - Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay kooxo hubeysan ay u geysteen nin la sheegay inuu ka mid ahaa hogaamiyaasha kooxda Macawiisleyda kaaso lagu magacabo Xuseen Fiidow oo loo yaqiinay (Xuseen Dhurwaay).

Dilkan oo xalay ka dhacay xaafada Howlwadaag ee magaalada Beledweyne gaar ahaan hoyga uu xaafadaasi ka daganaa sarkaalkan abaare 11:00 waxaana si aad ah looga maqlay xaafadasi rasaas badan inkastoo weerarka kadib dableydii hubeysneyd goobta isaga baxsatay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa saaka howlgalo baaritaano ah ka wadda xaafadda howlwadaag ee xalay lagu dilay sargaalka la sheegay inuu ka tirsanaa horjoogayaasha ciidamada Macawisleyda lamana oga cidda ka dambeysay weerarkaasi lagu dilay sarkaalkan inkastoo la ogsoon yahay in kooxaha Macawiisleyda iyo Al-sbabaab ka dhaxeeyso colaad aad u adag kuwaas oo inta badan ku dagaalama deegaanada Baadiyaha gobolka Hiiraan.

Wararka kale oo ay heshay Shabakadda HOL ayaa sheegaya in israsaaseyntii xalay dhexmartay sarkaalka dhintay iyo kooxdii soo weerartay ay ku dhaawacmen gabar iyo hooyadeed.

Amaanka magaalada Beledweyne ayaa mudooyinkaan dambe u muuqanayay mid faraha kasii baxayo taas oo ay walaac ka muujinayeen shacabka ku nool magaalada.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]