4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 11, 2020
Guddoomiyaha Ismaamulka Gaarisa oo la amray in lasoo xero
 

Jimco, September 11, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Ismaamulka Gaarisa ee dalka Kenya Cali Bunow Qorane ayaa waxaa la amray in la soo xero kadib markii lagusoo eedeeyay musuq-maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.

Amarka lagusoo xerayo ayaa waxaa bixiyay dacwad soo oogaha Kenya Nuuradiin Yuusuf Xaaji.

Guddoomiye Cali Bunow oo ah siyaasi ruug caddaa ah, wakhti badanna ka shaqeynayay nidaamka dowladnimada Kenya ayaa lagusoo eedeeyay in isaga iyo xubno ka ag dhowaa ay lunsadeen lacago badan oo uu Bangiga Adduunka ugu tala-galay in lagu hormariyo Ismaamulka Gaarisa.

Ma jiraan weli wax war ah oo dhankiisa kasoo baxay uu kaga jawaabayo eeddan loosoo jeediyay.

Xaddiga lacagta dowladda ay ku eedeyneyso inuu lunsaday ayaa gaareysa 235 Milyan oo shilin Kenya ah.

Nuuradiin Yuusuf Xaaji ayaa sidoo kale amray in lasoo xero Xubnaha kala ah :-

1-Ibraahim Moolow Nuur Xog-hayihii hore joogtada Wasaaradda Maaliyadda.
2- Maxamed Axmed Cabdullaahi Madaxa Maaliyadda Gaarisa.
3-Cabdi Shaale Madaxda Hanti dhowrka.
4-Axmed Cabdullaahi Aadan Qasnad hayaha Hanti dhowraha.

Dowladda Kenya ayaa horay sidaan oo kale mas'uuliyiin maamula qaar kamid ah maamullada dalkaasi xertay,  qaarkoodna horgeysay maxkamadda,  waxaana kamid ahaa Mike Sonko oo Guddoomiye ka ah caasimadda Nairobi.

Laakiin waa markii ugu horreeyay ee ammar lagu bixiyo in lasoo xero mid kamid ah Guddoomiyayaasha Ismaamul Goboleedyada Soomaaliyeed ee Kenya raacsan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]