4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Sept 11, 2020
Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya oo dowlad goboleedyada ku boorriyay in aysan is khilaafin
 

Jimco, September 11, 2020 (HOL) - Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ku boorriyay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Soomaaliya ee Muqdisho u jooga dhameystirka wadahadalada in ay bilaabaan hirgalinta habka la isku raacsan yahay ee horay loogu sii wado doorashooyinka.

Hadalkaan ayuu Danald Yamamota ka sheegay kulan uu la qaatay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Sidoo kale, safiirka Maraykanka ayaa dowladda Soomaaliya uga mahad celiyay in ay iskugu keentay hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada Muqdisho.

“Soomaaliya waxay u baahan tahay in hoggaamiyayasheeda ay dhammaystiraan mabaadi'da heshiis ku saabsan is afgarad sal ballaaran, oo ah halka lagu gaari karo doorasho la isku raacsan yahay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya.

Maalinta berrito oo sabti ah ayaa la filayaa inuu bilowdo wada hadalka madaxweyne Farmaajo, madaxweynayaasha shanta dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, si loo dhameystiro hannaanka doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]