3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 9 , 2020
Saraakiisha ciidamada xoogga iyo AMISOM oo isku raacay dar-dar-gelinta howl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab
 

Jimco, October 9, 2020 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya SNA iyo kuwa midowga Afrika ee howl-galka nabad-gelyo u jooga dalka ee AMISOM ayaa isku raacay howl-gal ballaaran oo ka dhan ah ururka Al-shabaab.

Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM Diomede Ndegeya iyo taliyaha ciidamada lugta Soomaaliya Cabbaas Amiin Cali ayaa isku raacay in kor loo qaado dagaallada ka dhanka Al-shabaab , sidoo kale la ballaariyo iskaashiga labada dhinac ee AMISOM iyo ciidamada dowladda.

Mr. Ndegeya iyo taliye Cabbaas Amiin ayaa isku raacay in la dhiso unug gaar ah oo shaqadan isku wada,  taas oo sida hadalka loo dhigay loo arkay iney leedahay muhiimad gooni ah.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxay dagaal kula jiraan Al-shabaab,  waxayna horay ula wareegeen deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya oo ay horay Al-shabaab u maamulayeen.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/9/2020 11:19 AM EST
Jimco, October 9, 2020 (HOL) - Weli si rasmi ah ugama uusan jawaabin waaxda gaashaan-dhigga Mareykanka hadalkii madaxweyne Donald Trump ee ku saabsabaa in dhammaadka sanadkaan guud ahaa dalka Ciraaq lagasoo saarayo ciidamada dalkaasi ka jooga mareykanka.

10/9/2020 8:33 AM EST
Jimco, October 9, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in rag hubeysan ay af-duubeen mid kamid ah raggii lagu waayay iney ku lug lahaayeen weerarkii Westgate ee ka dhacay magaalada Nairobi.

10/9/2020 5:12 AM EST
Jimco, October 9, 2020 (HOL) - Ra'iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya,kadib dhowr maalin uu ku sugnaa magaalada Jabuuti.