4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 9 , 2020
Ra'iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo Nairobi gaaray
 

Jimco, October 9, 2020 (HOL) - Ra'iisul wasaarahii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kadib dhowr maalin uu ku sugnaa magaalada Jabuuti.

Kheyre ayaa intii uu Jabuuti joogay wuxuu kulamo la qaatay madaxda sare ee dalka,  waxaana kamid ah Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo kala hadlay xaaladda Soomaaliya iyo doorashooyinka dalka.

Dhinaca kale, markii uu gaaray waddanka Kenya,  waxaa soo dhoweeyay siyaasiyiin, isagoo halkaas ka billaabi doona ololahiisa musharraxnimo,  waxaana la filayaa inuu halkaas ka billaabo kulamo uu la qaadanayo siyaasiyiin badan oo Soomaaliya,  sida ay ku warramayaan Ilo ku dhow xafiiskiisa ololaha doorashada.

Magaalada Nairobi ayaa waxaa jooga musharraxiin badan oo doonaya iney u tartamaan xilka ugu sarreeya Soomaaliya.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]