4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 8 , 2020
Trump oo diiday dood Online aheyd oo uu la gali lahaa Joe Biden
 

Khamiis, October 8, 2020 (HOL) - Madaxweyne Donald Trump ayaa qaaddacay dood la doonayay in lagu qabto habka Online-ka ah oo ay wada-yeelan lahaayeen ninka kula tartamaya xilka ee dhinaca Jamhuuriga ah ee Joe Biden.

Kulanka oo qorsheysnaa inuu dhaco 15-ka, bishan,2020-da ayaa lagu waday inuu noqdo habka Online-ka,  maadaama madaxweyne Trump uu qaaday COVID-19, islamarkaana lagu daweeyay cisbitaal militiri.

Trump ayaa Fox news business u sheegay ineysan suura-gal aheyn inuu ka qeyb-qaato dood ku dhaceyso habka Online-ka.

"Malaha micna badan in aad la dooddo qof Computer kasoo hadlaya,  haddii ay rabaan way kaa xerayaan codka" ayuu Trump u sheegay Fox news.

Dhinaca kale,  madaxweyne Trump ayaa dooddii uu horay ula galay Biden,  waxaana aad loogu xusuustaa in uu dhowr jeer jawaabihii Joe uu dhowr jeer dhex-gal ku sameeyay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]