4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 8 , 2020
Somaliland oo gef iyo meel ka dhac ku tilmaamtay qoraal kasoo baxay guddoomiyaha aqalka sare
 

Khamiis, October 8, 2020 (HOL) - Somaliland ayaa ku tilmaamtay gef weyn qoraal dhawaan kasoo baxay gudoomiyaha barlamaanka aqalka sare ee Soomaaliya, qoralkaas oo ahaa magacaabidda guddiga qaban qaabada doorashada xidhibaanada gobolada waqooyi (Somaliland) u matalaya barlamaanka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay hadalka kasoo yeeray golaha aqalka sare ee ah in wakiilada Somaliland metelaya lagu dooranayo Xamar, ay tahay meelka dhac iyo gef loola badheedhayo jiritaanka maamulkooda

”Qofka Somaliland ee qaadanaya quudhsiga ah in xamar laga magacaabo waxay qiimo rid ku tahay nafahooda,” ayaa  lagu yiri qoraalka.

Somaliland waxay sheegtay inay ciqaab adag mudan doonaan ciddii ka qayb-gasha doorashooyinka ka dhacaya Muqdisho.

Hadalka Somaliland, ayaa kusoo aadaya iyadoo afar sano kasta Muqdisho lagu doorto xildhibaanada kasoo jeeda goboladaas ee ku biiraya barlamanka Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]