4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 8 , 2020
Ciidamada dowladda oo isaga baxay deegaano muhiim u ah iyo Al-shabaab oo dib u qabsaday
 

Khamiis, October 8, 2020 (HOL) -Wararka naga soo gaaraya deegaanadda Basra iyo Deniga oo dhaca dhinaca Galbeed ee degmada Balcad ayaa sheegaya in halkaasi ay isaga soo baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana dib u qabsaday deegaankaasi dhaqdhaqaaqa Al-shabaab.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa faarujiyay deegaano dhowr ah sida Basra, Daniga, Baalow, Buulo kuunto, Walamoy iyo deegaano kale.

Ciidamada maanta isaga soo baxay deegaanadaas ayaa maalmahii lasoo dhaafay howlgalo waxay ka wadeen deegaanadda dhinaca Galbeed kaga beegan degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa tiro dhowr jeer ah oo hore weeraro toos ah iyo kuwa gaadma ahba ku soo qaadayay degmada Balcad iyo deegaano hoosyimaada waxaana iminka cabsi xoogan lasoo darastay dadka ku nool magaalada Balcad.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]