4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 8 , 2020
Duqeymo dad rayid ah ay ku dhinteen oo Gobolka Gedo ka dhacay
 

Khamiis, October 8, 2020 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeymo diyaarado loo maleynayo iney yihiin kuwa Kenya ay ka geysteen tuulooyin hoos taga Gobolka Gedo oo sababay dhimasho iyo dhaawac .

Tuulooyinka la duqeeyay ayaa waxay ka tirsanyihiin deegaanno hoostaga degmooyinka Garbahaarey iyo Beled-xaawo, sida qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho ay u sheegeen bulshada deegaanka.

Diyaaradaha ayaa duqeeyay Harakoobe. Yaaqle, Qabri-xaaji & Baliga Dhadhaable waxaana lagusoo warramayaa iney duqeymahaas ku dhinteen dad rayid ah oo xoola dhaqato ahaa, kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

Inta la ogyahay duqeynta waxaa ku dhintay hal ruux,  afar kalana way ku dhaawacmen, waxaa sidoo kale lagu laayay xoolo badan .

Maalmihii ugu dembeysay ciidamada Kenya waxay duqeymo ka geysanayeen Gobolka Gedo, waxayna waxyeello badan kasoo gaartay dad badan, iyadoo ciidamadaas lagu eedeeyay iney si bareer ah u dileen dhowr qof xoolaley ahaa ahaa maalmo ka hor.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]