4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 8 , 2020
Al-Shabaab oo wada xaajood kusii daayay labo Dhaqaatiir oo u dhashay dalka Cuba
 

Khamiis, October 8, 2020 (HOL) - Kooxda Al-Shabaab ayaa sii daayay labo dhakhtar oo u dhashay Cuba oo laga afduubtay Kenya laguna haystay sanad iyo badh gudaha Soomaaliya, sida lagasoo xigtay saraakiil.

Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in dhakhaatiirtan lagu sii daayay ka dib wada-xaajood bilo qaatay oo ay la galeen kooxihii afduubay ee Al-shabaab.

Sarkaalkan wuxuu diiday inuu bixiyo faahfaahin dheeri ah.

Ilo wareedyo dhowr ah ayaa sheegaya in sirdoonka Soomaaliya, oo ku shaqeynaya codsi ka yimid dowladda Cuba, uu kala xaajooday sii deynta dhakhaatiirta Al-shabaab.

Si rasmi ah looma oga halka ay dhakhaatiirtu ku sugnaayeen.

Dhaqaatiirtaan ayaa laga qafaashay Gobolka Mandheera ee Kenya xilli ay u socdeen shaqo bishii Abriil 2019. Kooxda afduubatay ayaa dilay mid ka mid ah ilaaladooda booliska.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]