4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 6 , 2020
Madaxweyne Waare oo kasoo horjeestay Jadwalka doorashooyinka maamulka Hirshabelle
 

Talaado, October 6, 2020 (HOL) - Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamad Cabdi Waare ayaa kasoo horjeestay jadwalka doorashooyinka ay maanta soo bandhigeen guddiga farsamadda iyo soo xulista Baarlamaanka Labaad ee maamulka Hirshabelle.
 
Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in guddiga farsamadda ay ku deg degeen shaacinta habraaca doorashoyinka Hirshabelle iyagoo cidna kala tashan, iyadoo ay jirtay in markii horaba guddiga farsamadda qudhooda magacaabistooda ay ka dhineed xubno muhiim ah sida haweenka loona baahan yahay in la dhameystiro guddiga farsamada oo lagu soo darro kalinta haweenka ayuu yiri "Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare"

Qoraalka kasoo baxay Madaxweyne Waare ayaa sidoo kale lagu sheegay in loo baahan yahay dhismaha cusub ee Hirshabelle inaysan noqonin mid lagu deg dego sidii loogu deg degay dhismahedii koowaad oo kale loona baahan yahay in la dhiso Hirshabelle Caafimaad qabto.



Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]