4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 6 , 2020
Ciidamada dowladda oo sheegay iney shabeellaha hoose ku dileen laba kamid ah mas’uuliyiinta Al-shabaab
 

Talaado, October 6, 2020 (HOL) - Taliyaha Ciidamada xoogga dalka qeybta 143-aad Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa waxa uu warbaahinta ciidamada ee SNA radio u sheegay iney dileen laba sargaal oo ka tirsanaa Al-shabaab, kadib howl-gal ciidamada ay ka sameeyeen deegaanno hoostaga Bariire oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha hoose ee Koonfur galbeed Soomaaliya .

Waxa uu tilmaamay inuu howl-galka yimid kadib xuuraan ay heleen oo ku saabsan in tuulooyinka Below iyo Nuunaay ay soo gaartay in ciidamo hubeysan oo Al-shabaab ah ay soo gaareen.

Taliye Axmed Xasan Siyaad ayaa waxa uu qeexay in ragga ay dileen lagu kala magacaabi jiray Ciise Tima-weyne , balse loo yaqaannay Abuu Dheere oo ahaa Abaan-duule iyo sargaal magaciisa uu kusoo koobay Qoorey oo uu sheegay inuu dhinaca sakaawaadka uu ka shaqeynayay.

Marka laga yimaado warkaan kasoo baxay ciidamada militariga Soomaaliya, waxaan arrintaan illaa iyo hadda ka hadlin Al-shabaab .

Gobolka Shabeellaha hoose waxa uu dagaal ku dhex maraa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Shabaab, waxaana dagaalkaas ku barakacay dad u badan baaraley ah.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]