4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 6 , 2020
Ra’iisul wasaare Rooble oo booqday safaaradda Soomaaliyeed ee Kuwait
 

Talaado, October 6, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho ku jooga waddanka Kuwait ayaa waxa uu booqday safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku leedahay waddankaas, waxa uuna ku bogaadiyay shaqaalaha iyo safiirkaba , howsha ay u hayaan umadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha oo kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee safaaradda ayaa waxa uu shaqaalaha iyo diblumaasiyiinta ka howl-gala dalkaas ee Soomaaliyeed uu ka codsaday iney laba jibaaraan , howlaha iyo adeegga safaaradda.

Soomaaliya iyo Kuwait oo ah laba qaran oo kawada tirsan Ururka Islaamka iyo Jaamacadda Carabta, waxaa ka dhexeeya heshiis wanaagsan iyo xiriir iskaashi oo ballaaran.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu booqasho ku joogaa dalka Kuwait oo ay taallo tacsidii boqorkii waddankaas oo dhowaan geeriyooday, waxayna Soomaaliya kamid tahay dalalka Carbeed ee mas’uuliyiintiisa gaareen dalkaas.

Wararka qaar laga helayo ilo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegaya in uu tacsida kadib madaxda Kuwait uu kala hadlayo arrimaha deyn cafinta Soomaaliya, sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]