4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 6 , 2020
Hay'addaha xuquuqul insaanka iyo ururada saxaafada caalamka oo madaxweyne Farmaajo u diray qoraal cabasho ah

Talaado, October 6, 2020 (HOL) - Guddiga Badbaadinta Suxufiyiinta, Human Rights Watch, iyo Amnesty International ayaa warqad wadajir ah u diray madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, oo ay ku muujinayaan walaaca ay ka qabaan sharciga saxaafadda ee wax ka bedelka lagu sameeyay, kana codsadeen madaxweynaha inuu qaado tallaabooyin la taaban karo oo lagu ilaalinayo xorriyadda saxaafadda iyo badbaadada suxufiga inta lagu gudajiro doorashooyinka soo socda.

CPJ, Human Rights Watch, iyo Amnesty International ayaa sidoo kale madaxweynaha ku booriyay inuu dib u eego sharciyada kale ee halista ku ah xorriyadda saxaafadda, oo ay ku jiraan xeerka ciqaabta. Ka hor doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha ee la qorsheeyay dabayaaqada 2020 iyo horaantii 2021.

Saddexda urur waxay madaxweynaha ka codsadeen inuu ugu baaqo hay’adaha garsoorka iyo amniga inay joojiyaan xariga iyo dacwadaha suxufiyiinta iyo in hay'adaha amniga ay ixtiraamaan xuquuqda suxufiyiinta iyo sidoo kale in la hubiyo in dacwad oogaha cusub ee la soo magacaabay dambiyada ka dhanka ah saxafiyiinta uu si deg deg ah oo dhex dhexaadnimo ah u baaro rabshadaha ka dhanka ah weriyayaasha

CPJ waxay Soomaaliya ku magacawday waddanka ugu rikoorka xun ee aan cadaaalada la horkeenin gacan ku dhiigleyaasha saxafiyiinta iyada oo lagu soo bandhigey qiimeynteeda Global Impunity Index.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]