4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 6 , 2020
Dowladda Cuba oo ka hadashay labo dhaqaatiir oo dalkeeda kasoo jeeda oo lagu afduubtay Soomaaliya
 

Talaado, October 6, 2020 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibedda Cuba Bruno Rodriguez ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad dadaalka ay dowladdiisu ugu jirto dammaanad-qaadka soo celinta labo dhakhtar ee u dhashay Cuba oo in ka badan sannad ka hor laga afduubay Kenya.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Cuba  oo qadka taleefanka kula hadlay dhigiisa Cawad, ayaa uga mahadceliyey madaxda Soomaalida taageerada ay muujiyeen, wuxuuna muujiyey sida Cuba ay u dooneyso inay xoojiso xiriirka labada dal.

Dhakhaatiirtan Cuba ayaa la afduubay 12-kii Abriil, 2019 iyagoo ka shaqeynayay Kenya, tan iyo xilligaas dowladda Cuba waxay xiriir joogto ah la lahayd labada dal Kenya iyo Soomaaliya.

Assel Herrera, oo ah khabiir ku takhasustay Cilmiga Daawada Guud kana soo jeeda gobolka Las Tunas, iyo Landy Rodriguez, oo ah dhakhtar qalliin oo ka socda Villa Clara (dhexda), waxay ka mid ahaayeen howlgalka caafimaadka ee Cuba ee Kenya.

Sida lagu sheegay warbixinnada saxaafadda, waxaa si gaadmo ah u afduubay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, iyagoo la aaday dhulka ay xukumaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]