4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 4 , 2020
Beledweyne: War murtiyeed laga soo saaray shirweynahii Wadatashi ee beellaha Xawaadle


Axad, October 4, 2020 (HOL) - Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan shirweynahii beellaha Xawaadle uga socday Beledweyne.

Shirweynaha maanta la soo gabagabeeyay ayaa mudo 14 cesha ah u socday beellaha Xawaadle kaasoo ay kasoo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee beellaha Xawaadle sida odoyaal dhaqameyd, qurba joog, aqoonyahno ganacsato, dhalinyaro haween iyo culuma'udiin.

Shirkan ayaa muddadii uu socday waxaa diiradda lagu saaray sidii loo soo afjari lahaa xaaladdaha iyo khilaafaadka ka dhex jiray beesha dhexdeeda iyo sidii ay ugu diyaar garoobi laheyd la jaan qaadista arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo tan Hirshabelle.

Odayaashii iyo waxgaradkii ka hadlay madashii lagu soo gabagabeynayay shirka wadatashi ee beellaha Xawaadle ayaa sheegeen in lasoo gabagabeyay wajigii koobaad ee shirweynaha beellaha Xawaadle uuna jiri doono waji labaad ee wadatashiga beesha kaasoo laga sugaayo dhameystir kiisa Ugaaska beellaha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]