4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 4 , 2020
Ciidamada Kenya oo Al-shabaab kula dagaallamay deegaanno ka tirsan Jubbooyinka
 

Axad, October 4, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo deegaannada Taabto iyo Cabdalle Biroole oo ka tirsan Gobollada Jubbooyinka ayaa waxay sheegayaan in maanta deegaannadaas ay ku dagaallameen ciidamada Jubaland oo gacan ka helaya kuwa Kenya iyo Al-shabaab.

Dagaalka ayaa dhacay kadib markii Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisimada ciidamada Kenya iyo kuwa  Jubaland.

Qaar kamid ah dadka deegaannada uu dagaalku ka dhacay oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ee Muqdisho ayaa sheegaya in dagaallada ay geysteen khasaaro nafeed balse aysan xaqiijin karin, tirada dhabta ah ee dhimashada iyo dhaawaca soo kala gaaray dhinacyada dirirtu ay u dhexeysay.

Dadka deegaanku waxay sidoo kale tilmaameen in labada dhinac ay is-weydaarsadeen madaafiic xooggan,  balse lama sheegin cid wax ku noqotay oo rayid ah.

Ciidamada Kenya ayaa waxay deegaannada Jubaland dagaallo hore kula galeen Al-shabaab.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]