4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 4 , 2020
Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo amarkii ugu horeeyay kusoo rogay golaha wasiiradda ee xilka sii haya
 

Axad, October 4, 2020 (HOL) - Raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray golaha wasiiradda ee xilka sii haya in tallaabo kasta oo ay qaadayaan lasoo wadaagaan xafiiskiisa, si loo dhowro arkaanta loo dajiyay xubnaha xil gaarsiinta.

Raysal wasaaruhu wuxuu sheegay in aan la aqbalidoonin tallaabo kasta oo ka hor imaanaysa habraaca la dajiyay, wuxuuna ku wargaliyay inay muujiyaan waxqabad miro-dhal ah inta uu gole cusub kasoo dhisayo.

Waa amarkii ugu horeeyay ee kasoo baxa raysal wasaaraha cusub oo dhawaan laga sugayo inuu soo magacaabo gole wasiirro oo xilka kala wareega kuwa hadda jira ee muddada ku shaqeynayay xil sii hayayaal.

 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]