4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 4 , 2020
Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku tagay Eritrea
 

Axad, October 4, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mohammed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa booqasho ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea subaxnimadii maanta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa halkaas ku tagay booqasho shaqo oo qaadandoonta 2 maalmood, waxaana si diiran u soo dhoweeyey Madaxweyne Isaias Afwerki markii ay ka soo degeen garoonka diyaaradaha ee Asmara.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona horumarka xiriirka labada dal, tallaabooyinka sii xoojinta iyo sidoo kale horumarka gobolka & isbeddellada.

Madaxweyne Mohammed Abdullahi Mohammed & wefdigiisa ayaa sidoo kale booqan doona goobo iyo mashaariic horumarineed oo kala duwan.

Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay socdaal uu ku tagay dalka koonfurta Suudaan halkaas oo uu uga qeyb galay munaasabadda Dhaqan-gelinta Heshiiska nabadeed ee u dhaxeeya Dowladda Suudaan iyo Kooxaha hubeysan ee Galbeedka iyo Koonfurta.

Waa markii saddexaad uu madaxweyne Farmaajo booqasho ku tagay Eritrea, booqashadii ugu dambeysay waxay ahayd bishii janaayo ee sanadkaan, markaas oo madaxweynuhu u aaday safar quseeyay ka miro-dhalka tallaabooyinka isu furfurnaanta dhanka diblumaasiyadda iyo isu-socodka bulshada Gobolka, mideynta qorsheyaasha lagu wiiqayo argagixisada iyo xal u helista caqabadaha ku xeeran Iskaashiga dalalka Gobolka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]