4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 4 , 2020
Puntland oo sheegtay in lagu dayacay lacagaha shilin Soomaaliga
 

Axad, October 4, 2020 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay in lagu dayacay lacagaha shilin Soomaaliga ayna tahay meesha kaliya ee Soomaaliya sida weyn looga isticmaalo lacagtaas, sida uu sheegay wasiir ku xigeenka maaliyadda Puntland.

Wasiir ku xigeenka maaliyadda Cabdi Qowdhan oo saakay BBC Somali la hadlay, ayaa sheegay in Puntland loosoo raray lacagihii shilin Soomaaliga ee gobolada Soomaaliya yiilay, taasoo keentay sicir bararka ku yimid sarifka dollarka.

“Puntland waa meesha kaliya ee shilinka Soomaaliya lagu qaado canshuurta, mushaarkana lagu bixiyo,” ayuu yiri wasiirku xigeenka maaliyadda.

Puntland ayaa ku eedeysay dowladda Soomaaliya inay iyadu dayacday shilin Soomaaliga islamarkaana cashuurta iyo mushahaarka shaqaalaheeda ay ku bixiso dollar.

Maalintii shalay, wasaaradda maaliyadda Puntland ayaa guddi gaar ah u saartay wax ka qabashada xaaladda sicirka bararka dollarka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]