4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 3 , 2020
Hirshabeelle oo midowga Afrika iyo AMISOM kala hadashay arrimaha ammaanka maamulkaas
 

Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda ammaanka ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa waxa uu magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Guddoomiyaha Guddiga midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire  Francisco Caetano Madeira iyo taliyaha ciidamada nabad-ilaalinta midowga Afrika u jooga Soomaaliya "AMISOM" General Ndegeye.

Kulankaan oo ahaa mid horay loosii qorsheeyay ayaa waxay wasaaradda ammaanka dalbatay in ciidamada AMISOM ay kaalin ka qaataan arrimaha nabad-gelyada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo sidii midowga Afrika uu uga war qabi lahaa arrimaha doorashada ee uu maamulkaas dhowaan galayo.

AMISOM  ayaa ballan qaadday iney Hirshabeelle kala shaqeyn doonto arrimaha nabad-gelyada xilliga doorashada , sida ay HOL u sheegeen ilo ku dhow wasaaradda ammaanka ee maamulka.

Hirshabeelle ayaa waxaa ka jira isku diyaarinta doorashooyinka, waxaana magaalada Jowhar la filayaa in dhowaan laga billaabo soo xulusta xildhibaannada Baarlamanka 2-aad kadibna la doorto madaxda sare ee maamulkaas.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]