3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 3 , 2020
Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo ku dhawaaqay dhaqan galinta heshiiska doorashada
 

Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo saaray Faafinta iyo dhaqangalinta Heshiiskii Siyaasadeed ee Doorashooyinka 2020-2021, isagoo ku dhawaaqay in doorasho loo dhaqaaqayo.

Raysal wasaaraha ayaa hay’addaha qaranka ee kaalinta ku leh arrimaha doorashooyinka faray inay fuliyaan heshiiskaan si waafaqsan habraaca lagu heshiiyay.

Waxaa uu sheegay inay xukuumadiisa ka go’an tahay in ay dalka gaarsiiyo doorasho xallaal ah.

Raysal wasaaraha ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay taageeraan hannaanka doorasho si ay waqtigooda ugu qabsoomaan.  

Hadalka raysal wasaare Rooble, ayaa yimid xilli uusan weli soo magacaabin xukuumadii ka shaqeyn lahayd fulinta heshiiskaan, inkastoo uu tilmaamay in lasoo magacaabidoono labo guddi doorasho iyo guddiga xalinta khilaafaadka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ballanqaaday in doorashada lagu qabandoono waqtigii la doortay, taasoo ka dhigan in aysan hal maalin dib u dhicidoonin.

Dadka arrimaha siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in aysan suurtagal ahayn in doorashada lagu qaban karo waqtigeeda, marka loo eego daruufaha jira awgeed iyo caqabadaha horyaala dowladda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]












Click here
10/3/2020 12:25 PM EST
Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda ammaanka ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa waxa uu magaalada Muqdisho kula kulmay wakiilka Guddoomiyaha Guddiga midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira iyo taliyaha ciidamada nabad-ilaalinta midowga Afrika u jooga Soomaaliya "AMISOM" General Ndegeye.

10/3/2020 10:25 AM EST
Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Puntland ayaa guddi u saartay cabashada ku saabsan sarifka lacagaha qalaad, kadib markii baaqyo isdaba joog ah loo diray madaxweynaha Puntland iyo wasiirkiisa maaliyadda, taasoo ka dhalatay qiimaha dollarka oo gaaray meeshii ugu sareysa abid.

10/3/2020 8:07 AM EST
Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Shantii sano ee u dembeysay kooxaha Soomaalida ah ee burcad badeedka ah ayaa waxay Af-duubteen dad gaaraya 3600 oo ruux , iyagoo qafaalay una qabsaday madax furasho, waxayna lakala socdeen maraakiib iyo doonyo kala duwan oo gooshayay biyaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ahba.

10/3/2020 7:51 AM EST
Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed ee Juba, waxa uuna goobjoog ka noqonayaa heshiiska taariikhiga ah oo ay wada saxiixanayaan dowladda Suudaan iyo laba kamid ah hoggaanka kooxaha mucaaradka ah ee hubeysan.

10/3/2020 2:33 AM EST
Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Qiimaha Sarifka Dollarka ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay degaanada Puntland, waxaana uu saameyn xoogan ku yeeshay nolasha boqolaal kun oo qoys oo ku tiirsan lacagaha Shilin Soomaaliga ah.

10/3/2020 1:35 AM EST
Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Ilhan Omar ayaa weerar afka ah ku qaaadday madaxweyne Donald Trump ka dib markii laga helay safmarka COVID-19, iyadoo sheegtay in uu si firfircoon u faafinayo fayraska islamarkaana uu halis ku yahay caafimaadka bulshada.

10/3/2020 1:28 AM EST
Sabti, October 3, 2020 (HOL) - Roobab dhexdhexaad ah iyo kuwo culus ayaa laga filayaa qaybo ka mid ah Puntland iyo gobollada dhexe in aay ka da'aan toddobaadkan bilowday gudihiisa, sida ay shaacisay hay’adda Maareynta Macluumaadka Biyaha iyo Dhulka Soomaaliya ee SWALIM.